WARARKAInta La Ogyahay, Iyo Inta Aan La Ogeyn Weerarkii...

Inta La Ogyahay, Iyo Inta Aan La Ogeyn Weerarkii X/dhexe

-

Qaar ka mid ah maxaabiis ku jirtay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa sameeyey weerar loo adeegsaday qoryo, iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dhacdada oo u muuqatay “qaabka filimaanta” camal ayaa ku bilaabatay galabnimadii isniinta 10 Agoosto, markii maxbuus uu qaab xirfadeysan qoriga kaga xoogay sarkaal ka mid ahaa ilaalada xabsiga oo magaciisa lagu sheegay Maskiinow.

Maxbuuska qoriga helay oo ilaa hadda aan magaciisa la shaacinin ayaa bilaabay toogasho, arintaasi oo keentay in gudaha xabsiga dhexe ay saacdo kooban isku badasho “furan dagaal”.

Wasiirka cadaaladda DF-ka oo warbaahinta la hadlay ayaa dhacdada xasbiga dhexe ku sifeeyey “Fal dambiyeed”isagoo sheegay in sharciga lagu qaadi doono waxa uu ugu yeeray “dadkii maxaabiista hubka u fududeeyey”.

Afhayeen u hadlay ciidanka Asluubta ayaa sheegay in weerarkii xabsiga dhexe uu sababay dhimashada 15 ka mid ah maxaabiista, 4 ka mid ahaa ilaalada iyo dhaawaca 8 qof,oo 7 ka mid ah ay ahaayeen maxaabiista.

Ka Baxsashada Xabsiga

Dhacdada xabsiga dhexe waxa ay u ekeyd muuqaal dhab ah oo ka tirsan filimkii daraamaatikada Ameerikaanka ee “prison Beaker”,marka laga reebo seddex waji oo ay kaga duwaneyd.

  • Atoorayaasha
  • run ahaanshaha
  • iyo goobta dhacdada

Warar hoose ayaa sheegaya in mid ka mid ahaa maxaabiista uu ka baxsaday xabsiga, qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in ninka baxsaday uu sitay qoray, isaga oo sii dilay bajaajle, ka dibna bajaajta ku baxsaday sida ay wararka sheegayaan.

Dhinaca Qarsoon ee Dhacdada

Waxaa jira tuhmada dhowr ah oo ka dhashay weerarkii “Xabsiga dhexe”, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay in weerarka ay ka dambeeyaan sirdoonka Soomaaliya NISA.

Dhanka kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya in maxaabiista ay ku hubeysnaayeen bambooyin taasi oo sababtay shaki ka baxsan “maxbuus qori xoogay”.

Si Kastaba ha ahaate Df-ka oo dhacdada ku tilmaamtay mid qorsheysan ayaa magacawday guddi loo xil saaray baaritaanka wixii dhacay.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...