IS Oo Soo Iqtiraacay Qaab Toogasho Cusub, Weyna Fuliyaan !

Dagaalyahanada IS ayaa Soo Hindisay qaab cusub oo toogasha ah, iyagoona qorshahaasi ku fuliyey askari afduuban oo ka tirsanaa ciidanka Siiriya.

dilka ayaa laga fuliyay xerada Yarmouk ee Suuriya, halkaas oo ninka afduubnaa la xirxiray laguna adkeeyey alwaax waxaana madaxiisa laga dhigay qaab soo taagan.

Ninka xiran madaxiisa ayaa waxa la saaray Bamb gacmeed meel fog laga hagayo ka dibna sidaasi ayaa lagu dul qarxiyey.

Dagaalyahanada IS ayaa dagaalo ba,an kala kulmaya Ciidanka Siiriya oo doonaya in soo cashtaan gacan ku heynta Xerada Yarmuuk oo u dhaw Dimishiq.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA