ISBARBARDHIG:Labo maxamed”Siyaad Barre Iyo Farmaajo” afar qodob oo ay iska waafaqeen#sii aqi..

La Wadaag Asxaabtaada

Waxa aynu qormadan ku lafa-guri doonaa tallaabooyinka uu ilaa hadda qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ee uu ku soo noolaynayo Siyaasadii adeerkii Maxamed Siyaad Barre. Waxa aynu qoddobo ku soo koobi doonaa ficiladii uu ku dhaqaaqay ilaa hadda.
JECLAANTA HEESAHA AMAANTA AH:
Maxamed Siyaad markii uu xukunka dalka xoog kula wareegay, wuxuu bilaabay inuu abaabulo Fannaaniintii iyo Abwaanadii joogay dhulka Soomaalida, wuxuu isugu keenay Muqdisho, markii dambe wuxuu bilaabay inuu lacago fara badan ku bixiyo Abwankii sameeya Hees amaanaysa isaga iyo Kacaanka, marka abwaanku ka faraxasho curinta heesta, waxa la odhan yaa ku soo baxaya oo cod tolmoon leh, fannaankii codkiisu ku soo baxo heestaasi wuxuu isna heli jiray lacago fara badan. Sidaasi oo kale Farmaajo wuxuu dhawaan laba kulan la yeeshay Fannaaniinta iyo golaha ABWAANADA Soomaaliya ee fadhigoodu Muqdisho yahay, isaga oo kala hadlay inay soo celiyaan heesihii qaranka amaanayey.

DHEGAYSIGA GABAYADA SAYID MAXAMED CABDILLE XASAN:
Maxamed Siyaad wakhtiyada uu firaaqda haysto wuxuu dhegaysan jiray gabayadii Ina Cabdille Xasan ee nooc kasta lahaa, ha noqdaan kuwii uu ku caayey beelaha Soomaalida qaarkood ama kuwii u kula hadlayey Daraawiishtiisii. Markaad dhuuxdo xukunkii Maxamed Siyaad iyo kii Sayidku waxa ay iska shabbeen meello badan, taasina waxa ku dhaliyey dhegaysigii Gabayadiisa. Sidaasi oo kale Farmaajo wakhtigii uu Raysal wasaaraha ahaa wuxuu dhegaysan jiray gabayada Sayidka, halkaasina waxa ay isaga mid yihiin Adeerkii Maxamed Siyaad.
KA BIXID DALKA MARKUU XIL MAGACAABO:
Maxamed Siyaad markuu xil mihiim ah magacaabo, isla maalintaasi ayuu dalka ka bixi jiray, isaga oo ujeedadiisu ahayd inuu ka yara nasto buuqa iyo loollanka uu kursigaasi leeyahay awgeed, sidaasi oo kale Farmaajo markii uu Ra’iisul-wasaaraha magacaabay wuxuu dalka baxay isla maalintii isagoo tagay Sacuudiga, sidoo kale waxa uu maalintii labaad dalka ka baxay markii R/wasaarihiisa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo Nairobi tagay.
KELMADA” IIMAANKA LA IDINKA QAAD”:
Maxamed Siyaad wuxuu caan ku ahaa kelmada habaarka xun ah ee ‘ Iimaan laawayaasha ama Iimaanka lagaa qaad’, oo ku odhan jiray cidda uu u arko inay ka soo horjeedo, sidaasi oo kale Farmaajo ayuu kelmadan ku yidhi niman xil doon ah oo buux dhaafiyey xarunta Madaxtooyada, sida ay qortay warbaahinta Soomaaliya qaarkood. Wuxuu yidhi Farmaajo ‘Iimaanka laga qaad xil doon badanaa’. Nimankii ayaa hal mar anfariiray oo xusuustay halhayskii habaar ee Siyaad ummadda ku odhan jiray.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada