Isbitaalka Ceel Cali Waxa Uu Ka Weynyahay Degmo Xamar Ku Taal!

La Wadaag Asxaabtaada

Urur Aqoonyahano ah oo Lagu magacaabo “Danjir” ayaa dhawaan daah furay mshruuc weyn oo lagu dhisaayo Isbitaal cusub.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Gobolka Hiiraan Waxa uu ka mid yahay gobolada ugu isbitaalo xun Soomaaliya, sidaa darteed wax dhib ma qaadaneyso in aan go’aamino in Isbitaalka Guud ee Ceelcali uu noqon doona kan ugu fiican gobolka oo dhan.

Isbitaalkani Cusub ee dhawaan howshiisa bilaabatay ayaa waxaa uu ku fadhiyaa dhul baaxad leh kaasi oo ka weyn qiyaas ahaan degmooyinka Shibis iyo Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Ma ahan oo kaliya baaxaddiisa waxyaabaha uu Isbitaalkani kaga duwan yahay kuwa kale ee Hiiraan, sidoo kale Isbitaalkani waxa uu ka koobanyahay 12 Waaxood kuwaasi oo qaabilsan waaxyaha caafimaadka ee kala duwan.

Sida uu ii sheegay Dr. Faaruukh oo ka mid ah howlwadeenada, isbitaalkani ayaa dhismihiisa iyo qalabeyntiisa lagu soo gabagabeyn doonaa 5 sano gudahood.

Hoos Ka Daawo Sawirada Nashqadda Isbitaalka

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada