Iska Baro Godka Aqalka Cad Ku Yaal ee Trump Ku Dhuuntay

-

Dibad baxayaal careysan ayaa ku qasbay Trump in loola cararo xarunta dhexe ee xalaladaha deg dega Madaxtooyada, waa dhufeys dhulka hootiisa ku yaal gudaha aqalka cad


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Markii uu soo baxay warka sheegaya in Trump god lagu qariyey, Waxaa soo baxay su’aalo dhowr ah oo dadka is weydiyeen: Muxuu ahaa godkan? goormaa iyo sababtee loo sameeyey?, sadarada soo socda ayaana isku dayi doonaa in aan kaga jawaabno su’aalahan.

Godkani oo loogu yeero “xarunta xaaladaha dag daga ah ee madaxtooyada” waa goob loogu tala galay in lagu ilaalilya madaxweynaha iyo la taliyaashiisa marka ay dhacaan xaaladaha kadiska ah sida weerarada iyo musiibooyinka, waxa uuna godkani ku yaalaa dhinaca midig ee aqalka cad.

Inkastoo godkani uu ku yaal dhulka hoostiisa, taasi kama dhigna in uu ka go’an yahay dunida inteeda kale, Waxaan godka dhaxdiisa ku diyaarsan xiriirada iyo isgaarsiin madaxweynaha iyo la taliyaashiisa u suurtagalineysa in ay halkaasi wax ka maamulaan.

Godkani ku dhax yaal aqalka cad ayaa la sameeyey intii lagu gudo jiray dagaalkii labaad ee aduunka, si loo ilaaliyo madaxweynihii Mareykanka ee xiligaas franklin roosevelt, madaama aad ay uga cabsi qabeen weeraro xagga cirka ah oo ka lala beegsada aqalka cad.

Goobtani waxaa ku diyaarsan isgaarsiinta casriga ah sida taleefoonada land line-ka ah , shaashado waaweyn, taasi oo suurtaagalineysa in ay kula xariiraan Ciidanka iyo saraakiisha banaanka joogta.

Weeraradii 11 Sebtembar, godkaasi waxaa la giliyey saraakiil iyo madax badan oo ay ka mid ahaayeen, madaxweyne ku xigeenkii Dick Cheney,iyo la taliyihii xagga amniga Condoleezza Rice.

29 May, Trump ayaa ku dhuuntay godkan, ka dib markii dibad baxayaal ka careysan dilkii George Floyd ay masaafo yar u soo jirsadeen Aqalka Cad.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...