Website-ka caafimaadka Ka hadla ee Mareykanka “Health” ayaa baahiyey Shan faa,ido oo cajiib ah ee uu leeyahay mooska.
Xaqiiqonews.com-Caafimaadka
Faa,idooyinka waxaa ka mid ah ilka-cadeynta hadii qubka mooska loo isticmaalo in ilkaha lagu fandhaaliyo.
Sidoo kale mooska ayaa meel saaraya boogaha iyo nushnushta wajiga, waxaana mooska loo arkaa mid ka mid ah daawooyinka ugu waxtarka badan ee maqaarka.
Mooska ayaa sidoo kale wax ka qaban kara Jacjaca Wajiga, madaama maqaarka uu aad ula fal galo.
Mooska ayaa sidoo kale yareeynaya duqnimada maqaarka
Qubka mooska ayaa aad ugu fiican “Nadiifinta” waxaana loo isticmaali karaa in lagu nadiifiyo kabaha iyo alaabta, waxa kale oo lagu nadiifin karaa biraha qaaliga ah.