Kooxda qaabilsan amaanka ee shirkadda “Check Point” waxa ay ka digayaan ablikeeshino xambaarsan barnaamijo xun, kuwaasi oo la wareegi kara taleefoonka qofka islamarkaana iska maamulanaya sawirada, fariimaha iyo dukumentiyada shaqsiga ah.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Khubarada “check point” ayaa ku baaqay in si joogto ah uu qofka u cusbooneysiiyo barnaamijyada taleefonada ay ku shaqeyaan (Operating systems), iyo sidoo kale in laga fogaado soo dagsashada ablikeeshinada ay horumariyeen ilaha aan la aqoonin, waxaa kale oo ay ku baaqeen in la adeegsado lidka fayrusyada ee ay sameeyaan shirkado lagu kalsoonyahay.
Waxa ay u jeediyeen isticmaalayaasha in ay taleefoonadooda ka saaraan ablikeeshinada ay ka mid yihiin : Idea, Google Play Service, Buzz, Axgle, Appleprotect, Wifi Password Cracker, Wallpape girls, Security، SecurIt Service.”
Sidoo Kale Aqri: Pegasus..Wax Ka Baro Barnaamijka Israa’iil Dunida Ku Basaasta
Khurada waxa ay si gaar ah uga digeen barnaamijka lidka fayruska ee “rogue antivirus”, kaasi oo suurtagelinaya in qofka taleefoonkiisa laga hago meelo kale.
Shaqooyinka uu ablikeeshinka “rogue” qaban karo waxaa ka mid ah in taleefonkaada laga wici karo dadkale, in sawiro laga diri karo, codka in lagaa duubi karo, waxaa intaasi baarbar socda iyada oo meelo kale laga hagi karo fariimahaada Whatsapp-ka.
Sida ay qortay majaladda Ameerikaanka ah ee “Forbes” , Anti-fayruskan ayaa loo nashqadeeyey in uu ku shaqeeyo taleefonada ku howgala nidaamka “Android” , isticmaalayaasha ayuuna khiyaamayaa isaga oo weydiisanaya in ay shaqooyin ka dhax qabtaan taleefonkooda, sida hagaajino joogto iyo ogolaanshiyo joogta ah oo uu weydiiyo.