Iska Illow Ahlu Sunna Waa Jaahiliin..Shaakir Waxa Uu Heystaa PhD!

La Wadaag Asxaabtaada

Dadka si aadka uga dhuun daloola xaaladda gobolada Dhexe waxa ay ogyihiin xaaladda dagaal iyo soo laba kacleynta kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana jira su’aalo badan oo ku saabsan waa kuwee Ahlu Sunna? Maxay Doonayaan?


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

BBC Soomaali ayaa qortay warbixin ku saabsan taariikhda asaasayaasha koox diimeedka Ahlu Sunna.

Shiikh shaakir oo ka mid ah dadka ugu cad cad ururka suufida ah ee Ahlu Sunna ayaa ku dhashay deegaan lagu magacaabo Garsaale oo 20km u jira magaalada Dhuusamareeb.

Sida ku xusan warbixinta Shiikh Shaakir ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixiyey barashada diinta Islaamka isaga oo wax ku bartay xalqadooyinka culimada ee Soomaaliyo iyo Itoobiya.

Shaakir ayaa intaasi wixii ka dambeeyey aqoon kororsi u aaday dalka Yemen isaga oo shahaadada heerka koowaad iyo heerka labaadba ku diyaariyey jaamacadda diinta caanka ku ah AlAxqaaf.

Shiikh Shaakir ayaa bartay cilmiga shareecada iyo qaanuunka iyo cilmiga Siyaasadda, waxa uuna shaahada ugu sareya ee PhD ka qaatay isla jaamacadda Axqaaf.

Dhanka kale Macalin Maxamuud oo ah gudoomiyaha kooxdu ayey warbixintu sheegtay in uu ahaa ganacsade saami ku leh shirkad xoolaha ka dhoofisa Soomaaliya inta uusan ka mid noqon asaasayaasha kooxda Ahlu Sunna sanadkii 2010.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada