Iska Ilow Cadceed, Markani Hooska Ayaa Koronto Laga Dhalinayaa!

La Wadaag Asxaabtaada

Maalin maalmaha ka mid ah hooska iyo cadceeda ayaa iskaashan doono si ay noo siiyaan “xoog koronto”.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Saynisyahano ka tirsan jaamacada qaranka Singapore ayaa soo hindisay qaab cadceeda looga dhalinaayo koronto, balse markani looma baahna cadceed joogta ah iyo goob furan midna.

Iyadoo la adeegsanaayo alwaax ka sameysan dahab, qalin iyo biraha kale ee ah platinum iyo tungsten, kooxdan ayaa ku guuleysatay in ay sameeyaan koronto ka sameysan “cadceed iyo hoos” is garabsanaya.

Iyaga oo isticmaalaya birahan, elektaroonada cadceeda ayey u gudbinayaan goobaha “hooska ah” arinkaasi oo suurtagalinaya in dabka dhasho, xitaa cadceed iyadoo laga qariyey.

Sidoo Kale Aqri..NASA Ayaa Dhawaatay Qoraxda Maxay ku Arkeen?

“Waxa aan dab ka dhalin karnaa goob walbo oo dhulka ka mid ah, goobaha cadceeda furan leh oo kaliya kuma ega” ayuu yiri Swee Ching Tan, oo ah madaxa kooxdan.

Maalin un, dab dhaliyaashani waxa ay suurtagalin doonaan, in koronto laga sameeyo guryaha dhaadheer iyo aqalada gudahooda. “Dadka qaar waxa ay u maleeyaan in hooska uu yahay faa’ido la’aan” ayuu yiri Tan oo raaciyey “Shay kasta faa’ido wuu leeyahay, xitaa hooska”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada