Iska jir..Caadooyinkani ayaa Sababa Caloosha Buuran.

La Wadaag Asxaabtaada

Gudiga Nafaqada ee Jarmalka ayaa dhawaan shaaciyey in ay jiraan caadooyin khaldan kuwaasi oo dadka ku sababa calool buurnida.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Hurdo yarida

Hurda yarida ayaa jirka ku sababta in uu soo daayo hoormoonka dufinta ah ee loo yaqaan “steriod” kaasi oo sabab u noqda rabitaanka badan ee cunta cunista, hadaba si aad iskaga yareeyso hormoonkan qofka waa in uu hurdaa 7 – 8 saacadood habeenkii.

Cabitaanada Macaanka ah

Heerka sokorta jirkaada ayey kor u qaadi karaan “cabitaanadan” Xalka ugu fiican waa qofka in uu cabo biyo madow.

Cuntooyinka dufinta ku yartahay

Inta badan cuntooyinka gasacadeysan ee ku dul qorantahay “dufinta wa ay ku yarthay” ayaa dhanka kale xambaarsan cadad badan oo sokor ah, sidaa awgeed khubarada ayaa ku talinaya in cuntooyinka noocaasi ah aan ku badalano kuwa kale oo ah cuntooyinka ku jiraan dufinka caafimaadka wata sida Malaayka, Ukunta iyo Afokaadaha.

Fadhiga Badan

Fadhiga waqtiga badan ayaa yareeynaya wareega dhiigga, iyo shaqadii kale ee jirka taasi oo sabab u noqoneysa in shaqada joojiyaan dheecanadii burburin lahaa “dufinta caloosha”.

Khubaradani reer Jarmal ayaa bixinaya talooyin ay ka mid tahy qofka in uu socdo halkii uu gaadiid raaci lahaa, ama qofka in uu koro jaranjarada badalkii uu raaci lahaa “Wiishka”.

Cunista Waqtiga dambe

Hadii aad cunto feeraha iska saarto xilli hurdada soo dhawdahay, taasi waxa ay dheefshiidka ku keeneysa in uusan si fiican u shaqeynin.

Khubarada ayaa kugula talinaya in aad cuntada cunto 2 saac ama wax ka badan ka hor in aadan firaashka aadin, si calooshaada aysan baruur u fadhiisan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada