Kansarka aad ayuu u baahay dunida oo dhan, gaar ahaan dowladaha galbeedka, waxaana sababayaasha ka mid ah wasaqowga hawada ee ka dhasha qiiqa baabuurta, cuntooyinka warshadeysan ee lagu ilaaliyo kiimikada iyo cuntooyinka hoormoonada lagu bacrimiyey sida digaaga iyo khudaarta.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Calaamadaha ugu waaweyn ee kansarka waxaa ka mid ah, ogowna calaamadahan waxaa kale oo sababi kara cudurro kale oo aan kansar aheyn.
- Miisaanka oo si weyn hoos ugu dhaco
- burooyinka ka soo bax qeybaha jirka ama nabaro ka soo muuqda dhanxanagga iyo carrabka
- xanuun dhuunta ah
- qof oo daal iyo tabardarro dareema
- xanuun qofka uu dareemo marka uu kaadinaayo
- qunfac iyo xabeeb codeed aan soo hagaageynin
- Kaadida oo dhiig la socda
- Madax xanuun badan, qandho ama dhidid habeenkii ah
- dhiig bax aan caadi aheyn oo sabab la’aan iska yimaada.
- dhibaatooyin xagga aragga ama maqalka.
Calaamadaha kore iyo kuwa kale oo badan oo aan halkani ku xusin waxa ay ka mid yihiin calaamadaha lagu arko qofka kansarka qaba, waxaana xusida mudan in calaamadahani ay sidoo kale tilmaamo u noqon karaa cudduro kale, waxaana dhaqaatiirta dadka kula talinayaan in aadaan dhaqtarka hadii ay isku arkaan calaamadahan iyo waxyaalo kale aan caadi aheyn oo jirka ka soo muuqda.