Markii aan u baahano in aan wax ka ogaano deegaan waa iska caadi in aan caawin ka dalbano ablikeeshinka “google Map” , laakiinse waxaa jira 10 meel oo sir kuwaasi oo aan lagu arki karin xitaa khariidada “Google Map”.
Xaqiiqonews-Tiknoolaji
Goobahani ayaa loo qariyey siyaabo kal duwan, ha noqoto sabab amni, ama sabab kale oo qarsoon.
1-Jasiiradda Moruroa ee dhacda Faransiiska
Ma cadda sababta qeyb badan oo jasiiradda ka mid ah loo saaray “Block” balse dadka qaar ayaa aaminsan in jasiiraddani tahay “jasiirad Nukliyeer” , waxaana la xasuusataa in Dowladda Faransiiska ay halkanu ku tijaabisay tijaabooyin Nukliyeer ah sanadihii 1966, iyo 1996.
2-guriga Lambarkiisu Yahay 2207 ee dhaca xaafadda Seymour Ohaayo ee Mareykanka.
Gurigani ayaa waxaa ka dhacay fal-dambiyeed intii u dhaxeysay 2002-2004, nin la oran jiray Castro ayaa gurigan ku soo afduubtay 3 gabdhood oo dhalinyarro ah halkaasi ayeyna ku xanibnaayeen ilaa sanadkii 2013, xilligaasi oo mid ka mid ah ay jaanis u heshay in ay baxsato iyadoo booliska wargelisay.
3-Guri ku yaala Stockton-on-Tees, UK..
Sababta gurigani loo qariyey ilaa hadda ma cadda
4-Xarunta Ciidamada Cirka ee Taywaan
Goobtani ma saarnno “block” laakin markii uu qofka u dhawaada waxaa dhaafaya sawirka oo ku geynata meelo kale oo fog.
5-Jasiiradda Jeannette ee Ruushka
Jasiiraddani ayaa dhacda badda Siberia waxaana jira muran wali taagan oo ku saabsan cidda iska leh jasirradan, muranka ayaana u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka.
Sidoo Kale Aqri Infogaraafic Map..Alqaacidda Iyo Daacish Sida ay dunida ugu kala Baahsanyihiin
6-Goob Milatari oo Gariiga Leeyahay
Sawirka goobtan ee lagu arki karo Mapka ma ahan mid cad, sababtuna waxaa lagu sheegaa in ay la xariirto amaanka.
7-Warshad farsameeya shidaalka Nuklieerka oo Faransiisku Leeyahay
goobtani waxaa la furay sanadkii 1976
8-Xarun ay leeyihiin Ciidamada gaarka ah ee Poland
goobtani waxaa bloogay google iyaga u arka goob gaar ah.
9-goob Isbayn ku taala oo lagu magacaabo Paseo de Los Naranjos
ilaa iyo hadda ma cadda sababta goobtani loo qariyey
10-Jsaiiradda “aan la arkin” ama Jasiiradda “Wahmiga”.
Jasiiraddani ayaa lagu magacaabaa “Sandy” waxa ayna raacsantahay Faransiiska, waaxana laga waayey Mapka sanadkii 1979