Iska Jir Qaxwada: Waa Saaxib Cadow Isku Badali Kara

-

Qaxwada ayaa qani ku ah maadooyinka lidka ku ah sunta jirka kuwaasi oo u wanaagsan caafimaadka wadnaha, intaasi waxaa u sii dheer faa’idooyin kale oo aad u badan, laakiin qaxwada oo si qaldan loo isticmaalo waxa ay marmarka qaar sabab u noqon kartaa “miisaan koror” dheeri ah.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

1- Qaxwada iyo Sokorta

Waa tan khabiirka nafaqada iyo cuntooyinka Lauren Harris-Pincks oo leh “Ururuka Ameerikaanka ee qaabilsan xanuunada wadnaha waxa ay ku taliyaan in hoos loo dhigo isticmaalka sokorta dheeriga taasi oo looga baahan yahay ragga in aysan ka badsan 24 gram dumarkana 36 gram, iyagoo intaa ku daray in qaxwada laga cabo meelaha maqaayadaha ay marmarka qaar ku jiraan 80 gram oo sokor ah.

Sidoo Kale Aqri:Yaa Caafimaadka U Fiican..Qaxwada Mise Shaaha?

2- Qaxwada Oo cunto Laga Dhigto

“Qaxwada ma ahan cunto” ayey tiri Harris-Pincks oo sharaxday in ay Boritiinada, khudaarta cagaaran iyo cuntada dunta leh ay yihiin furaha caafimaadka iyo isku dheeli tirnaanta cuntada, si qofka uusan u dareemin baahi muddo dheeri ah.

cabitaanka koob qaxwo ah oo ay ku jiraan sokor, dufan iyo kalooriyeyaasha, lagama helaayo curiyaasha cuntooyinka ee jirkeen u ooman yahay.

3- Isticmaalka Qaxwada Warshadeysan.

Qaxwada warshadeysan (Kafeyga iwm ), waxaa dhici karta in aad u aragto khiyaar dag dag ah, laakiin ogow cabitaanadan waxa ay qani ku yihiin sokor badan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...