Iskoolada Dib looma Furi Doono..Waa Tan Sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Iskoolada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la xiro, taasi oo laga cabsi qabo in keeni karto in iskoolada aysan dib u furmin inta ka harsan sanad-dugsoyeedkan.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in muddo 15 maalmood la xiri doona iskoolada iyo jaamacadaha karoona dartiis.

Kheyre ma uusan sheegin hadii ardayda ay ka soo laaban doonaan fasaxa iyo inkale, waxa uuna ku gaabsaday “wixii warbixin dheeraad ahna dowladda ayaad ka sugeysaan”.

Hadii uu dhaqan galo amarkan, Waxaa albaabada layskugu dhufan doona kumanaan iskool, ardaydana waxa ay joogi doonaan guryahooda xilli aanan la cayimin muddo soo noqodka.

Waxaa lagu jiraa gabgabada sanad-dugsiyeedka, taasi oo qeyb ka qaadan karta in iskoolada iyo jaamacadaha aan la isku soo laaban ilaa laga gaaro sanad dugsiyeedka cusub.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada