Israa’iil Oo Difaaca Cirka Xoojisay Ka Dib Weeraradii Abu dabi

-

Kooxda Xuutiyiinta ayaa markale weeraro loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha darooniska ku qaaday caasimadda Imaaraatka Abu dabi.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Todobaad gudahiis, mar kale kooxda Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday goobo istaraatiiji ah oo dhaca Abu dabi, weeraradaasi oo kooxda u adeegsatay gantaalaha balaastigada ah iyo diyaaradaha yar yar ee darooniska.

Yaxye Sariic, oo ah afhayeenka Milatari ee kooxda Xuutiyiinta ayaa boggiisa tuwiterka ku daabacay qoraalo isa daba joog ah oo uu kaga hadlay waxa uu ugu yeeray “dufaanta yemen ee labaad”, isaga oo markale digniin u diray shirkadaha ajnabiga ah in ay iskaga baxaan meel uu ku tilmaamay “goob aan amni aheyn”.

Dalka yar ee Imaaraatka kaasi oo ka yar masaax ahaan gobolka Gedo ayaa la kulmaya weerarkii labaad oo noociisa muddo todobaad ah, arintaasi oo qalqal amni ka abuurtay gacanka carbeed iyo guud ahaan bariga dhexe.

Sacuudiga iyo Imaaraatka Ka Dib.. Xagee Xuutiyiinta U Socdaan?

Dowladda Yahuudda ayaa walaac ka muujisay weeraradii Abu dabi, iyada oo farta eedda ku fiiqaday Iiraan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay filan karto weeraro uga yimaada Xuutiyiinta oo ay ku sheegtay in ay yihiin aalad ay Iiraan u isticmaasho ajndayaasheeda dagaal.

Khubarada xagga amaniga waxa ay leeyihiin weeraradii Xuutiyiinta ee Abu dabi waxa ay fariimo qeylo dhaan ah u yihiin Mareykanka iyo Israa’iil.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa gantaalada ka tuuray dhulka Yemen meel 1,200 Km ka fog Abu Dabi, waxaa xusid mudan in aagga gantaalka laga tuuray uu 1,500 km u jiro magaalada Eilat Ee Israa’iil taasi oo ah fogaan la mid ah tan Abu dabi.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...