“Kulanka la filaayo in uu dhaco runtii wax cusub kama soo bixi doonaan sababtoo ah, saxaafadda waxaa loo sheegi doonaa in lagu hishiiyey in la iska gaashado xagga amniga iyo la dagaalanka argagixisada wax sidaas u buuran lama sheegi doono, laakin si hoose ayey madaxdu u wada hadli doonaan !” Dr Ibraahim Bursaliid
Xaqiiqonews-Wararka
Booqasho socotay muddo gaaban, balse ah booqasho xambaarsaneyd riyooyin waaweyn ayuu Abyi Ahmed ku tagay Somalia,shir jaraa,id oo si wadajir loo qabtay ka dib, waxaa dadka loo sheegay in lagu hishiiyey in labada dal iska gaashadaan xagga amniga, dhaqaalaha iyo meelo kale, waxaana dhacay heshiis la sheegay in Itoobiya ay kula wareegtay 4 degadood oo muhiim ah.
Booqasho qeyb dalkiisa Ka mid ah
Dadweynaha Facebook-ga ku xiran ayaa islamrkiiba falanqeeyey waxa ay ka dhigan tahay booqashada Abyi ahmed waxaana qaarkood ay soo qoreen Ereyo micnahoodu yahay “Abyi Ahmed waxa u dhaqmay si madaxweyne booqanaya qeyb dalkiisa ka mid ah” waxa ay tusaale u soo qaateen booqashadii uu ku tagay Kenya, Sacuudiga iyo Jibuuti oo dhamaantood madaxweynaha uu xirnaa Suud iyo Taay waxa ayna is weydiyeen Sababt Soomalia uu futashaari ugu soo qaatay !!.
Waxaan Ku Hishiinay In Labada Dal La Mideeyo
Warbaahinta Soomaalida ayaa baahiyey hadal tarjuman oo sida la sheegay ah qeyb ka mid ah wareysi uu siisyey Abyi Ahmed Tv-ga qaranka Itoobiya ETV waxaana qeyb ka mid ah hadalka uu u tarjunaa sidan:
Waa Tuma Soomaaliyada Lagu dari rabo Itoobiya ?!
Dal ay ku hareereysan yihiin kumanaan caqabado oo hortaagan in uu noqdo dal cagahiisa isku taaga, waa dal uu u ku dhaartay Mareykanka in aanu dal noqon doonin ka dib markii Askar Mareykan lagu jiiday Wadooyinka Muqdisho.
Intaasi oo dhan ka hor Waa in Aad ogaataa Soomaaliya waa dal duq ah, 9,000 oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise. ayey cagaha aadanaha dul imaadeen dhulkani, waa dad xiriir dhaqaale la lahaa boqortooyadii Saba ee ka jirtay Dhulka yemen hadda loo yaqaan, xadaarada soomaalida waxa ay jirtay Islaamka ka hor, Dadkiisuna Islaamka Si Sahal ah ayey ku qaateen.
Intaasi waxaan kugu darayaa faraacintii waxa ay ka haajireen Soomaaliya si ay u qabsdaan Masar, hadalkan iska dheh ma ahan waxaa aaminsan taariikhyahano badan waxaana tusaale ay u soo qaataan luuqaadii faraacinta oo Af-soomaaliga ereyo ka mid ah ku jiraan, u fiirso maryaha cadcad ee Soomaalida dhaqanka u ah iyo dharkii Faaraacinta xiran jireen sidoo kale midibkii Faraacintaa tusaale Nabi Muse CSW waxaa uu ahaa Maariin.
Dalka soomaaliya Hadda loo yaqaan waxaa dal baaxadiisu ay ka badan tahay 637,657 sq km taasi oo u dhiganta in soomaliya ay ku jibaarmeyso 32 jeer dalka Kuweyt.
Sidoo kale hadii Soomaaliya ay hesho dhulalka ka maqan ee Jibuuti, Ethiopia iyo Kenya waxa ay ka weyntahay Dalalka Kuweyt ,Cuman, Qadar , Imaraatka Iyo Yemen oo la isku daray.
Riyada Soomaliya Waa In heshaa inta hadda ka maqan ,si ka dib ay uga heshiisho hadii ay la midoobeyso dalalka kale ee barriga Afrika si loo helo quwad ama hadii si kale ay yeeleyso.
Balse Itoobiya Rajadeedu muxuu yahay, bal aqriso qeyb ka mid ah hadalkii uu Abiyi Ahmed ka jeediyey Tv-ga Itooiya: