Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa in ay dhageysato falcelinada caalamiga ah ee ku aadan go,aankii Ceyrinta Q.M., Itoobiya ayaana dhawaan sameysay falcelin iyadoo Laayk(Like) iyo faallaba iskuga dartay.
Xaqiiqonews.com-
Dowladda ayaa hadda heshay hal ka helitaan iyo hal faallo, Itoobiya ayaana noqotay dalkii ugu horeeyey ee Bariga Afrika ah oo taageera go,aanka dowladda.
Itoobiya ayaa ku tilmaamtay go,aanka DF-ka Soomaaliya mid “Meel mar ah” waxeyna Difaacday falkii ciidmadeeda ay ka qeyb qaateen ee qabashadii Roobow iyo dilkii Shacabka.
DF-ka Soomaaliya ayaa hadda sugeysa taagerayaal badan oo ku garab gala go,aankeeda ceyrinta, Kenya, Djibouti iyo Eriteria ayeyna hiilo ka fileysaa Itoobiya KA Dib.