Itoobiyaa..Yaa Is dagaalaya Yaana Lala Dagaalayaa?

-

Muddo sanad ah waxa aan maqleynaa wararka dagaalka Itoobiya ka socda, laakiin marka aan si fiican u fiiriyey baraha bulshada Soomaalida waxa aan ogaaday in xitaa dadkeenu aysan ogeyn su’aalaha asaasiga ah ee dagaalka halkaas ka socda: yaa is dagaalaya..yaase lala dagaalamayaa?


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

lama yaabani in shacabka intooda badan aysan fahamsaneen u jeedada dagaalka, sababtoo ah waxa aan ogahay isha wararka dadkeena oo ah warbaahinta Soomaaliya oo indha ay u yihiin BBC-da iyo Voa-da oo iyagu dagaalka qeyb ka ah.

Intiina aan garaneyn.. dagaalka Itoobiya ma ahan mid cusub, laakiin waxa aan hadda arkeynaa waa kaliya bog cusub oo u furmay dagaalka qowmiyadaha saldhigga u ah ee ka aloosanaa halkaasi inta la ogyahay taariikhda casriga ah ee Itoobiya.

60-kii Sano ee Ugu Dambeysay

Sanadkii 1964-kii Imabaraatooriyaddii Itoobiya oo markaasi ay xoog ku hogaaminaayeen amxaarada ayaa waxaa soo food saaray cabsi ka dib markii ay ka war heleen in dowladdii Soomaaliya ee ay heshiis Milatari la gashay Midowgii Soofiyeeti, arintaasi oo keentay in uu qarxo dagaal kooban ilaa markii dambe labada dhinac ay heshiis xabad joojin ah ku kala saxiixdaan Kahrtuum Suudaan.

Bartamihii 1970-kii koox yar oo ka soo jeeda Qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Tigreey ayaa ka dhiidhiyey xukunkii Amxraada iyaga oo waqtigaasi asaasay jabhadda iska caabinta ee Tigrey (TPLF).

Xukunka Amxaarada ayaa cadaadis xoogan kala kulmaayey dhinca bariga, dhankaasi oo Soomaali Galbeed ay isku dayeysay in ay iska dulqaato xukunka Amxaariga ah waxaana taageera hiil iyo hoo la garab taagnaa dowladdii Soomaaliyeed ee xiligaasi Muqdisho maamuleysay.

Halka dhanka waqooyigana uu socday kacdoon ay wadeen Tigreyga, kaasi oo sanadkii 1991-kii ku soo dhammaaday in Tigreyga xoog kula wareegaan xukunka.

1998-kii , qaar ka mid ah shucuubtii waqooyi ee Itoobiya oo ka koobnaa qomiyado isku dhaf oo ay Tigrey ugu horeysa ayaa ku bilaabay dagaal madax banaani doon ah, iyaga oo sanadkiii 2000 si rasmi ah uga go’ay Itoobiya iteeda kale.

Burburkii Xukunkii Amxaariga ahaa ma noqon mid ay ku daboobaan shucuubtii dulmaneyd ee Itoobiya, waxaana dalku uu mar kale cagaha la galay gumeysiga qowmiga ilaa sanadkii 2012-ka kolkaasi oo cudurka kansarka u dhintay Malez Zenaawi oo dalka xoog ku maamulaayey

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...