Itoobiyada Oo Si Kadis ah u Aqoonsatay Somaliland!

-

Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lasoo dhigay map ama khariidad la-yaba leh oo si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Khariidaddan oo ah tan qaaradda Afrika, ayaa gebi ahaanba laga tiray Soomaaliya, oo sida muuqata lagu daray Itoobiya, laguna muujiyey khariidadda in Soomaaliya ay ka tirsan tahay Itoobiya.

Waxaa sidoo kale yaab leh, in Somaliland laga reebay dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ku darsatay sida ka muuqata khariidadda, islamarkaana Somaliland laga dhigay dal madax banaan oo ka tirsan Afrika.

Lama yaqaan sababta Itoobiya ay sidan u sameysay iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxaa cad in hamigii Itoobiya ee in mar un ay baabi’iso kuna darsato Soomaaliya uu banaanka yimid, ha noqoto ku talo-gal mise sir fakatay.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si aad ah isugu dhiibay dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, isaga oo rumeysan in isbahaysi uu la sameysto ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya.

Khariidada Afrika-da Cusub ee Itoobiya dhawaan soo saartay

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...