Ivanka Trump Oo Muslimiinta U Hambaleyeeysay+Carro Ka dhalatay

-

Ka dib markii Ivanka Trump ay ugu hambalyeeysay muslimiinta maalmaha Ciid-Weynta ayaa dhankood dadka ku wada xiriira baraha Bulshada waxa ay muujiyeen carro baahsan.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Ivanka Trump oo ah gabadha Madaxweynaha Mareykanka ayaa boggeeda Tuwiterka ku soo qortay “Ciid mubaarak dhamaan muslimiinta dunida, ee u dabaaldagaya ciidul-adxaa waxa aan idiin rajeynayaa caafimaad iyo farxad”.

Hase yeeshee Jaawabaha ay la kulantay Ivanka Trump oo ka shaqeysa xafiiska la talinta madaxweynaha ayaa noqday kuwa yaableh, ka dib markii dadka ay ku tilmaameen “Labo wajiley”

David Weissma oo ahaa taageero Trump ka hor ina uusan ku biirin xisbiga Dimuqaraadiga ayaa soo qoray “hadii uu kugu jiro dareen noocaas ah aabahaa la tali, si uu muslimiinta uga qaado xayiraadda”

Sidoo kale Aqriso: Sawirro-Trump-oo-duganaya-iyo-gabdhiisa-Ivanka–oo-oyneysa-sababta ogow.

Qofka kale ayaa isna soo qoray “aabahaa waa cunsuri, adigana laba wajiilinimadaada waa mid fariid ah”

Trump ayaa sanadkii 20017 soo saaray bayaan uu Mareykanka si ku meelgaar ah ugu mamnuucay dadka ka soo jeeda dowlado u badan muslimiin sida Ciraaq, Liibiya, Iiraan, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...