Jabuuti Oo Noqotay Casha Fudud !

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Xukunka Jecel ee Jabuuti Mr Geelle kuma fikirin in qoraxda dhici karto, waxaa uuna u heystay in xukunka Tigreega ee Itoobiya uusan tageynin, waxa ayna talada gacanta ka baxday markii Geelle uu barkinta dheereystay isagoo hugaamista hoos maleeyey,(hadii ay sax tahay erayadaa in loo isticmaalo).

Xaqiiqonews-Wararka

Ka dib heshiiskii taariikhiga ahaa ee Asmara iyo Adisababa,  waxa ay ay labada dhinac isku raaceen isku soo dhawaansho dhinac walbo ah,  safaaradaha  ayaa la kala furtay, Itoobiya iyo Eriteriyana waxa ay noqdeen walaalo is gariifay oo dib isugu soo hiloobay,waxaana arinkaa uu shidaal ku sii shubay fikirkii Abiy ahmed ee ahaa “Itoobiyada Weyn”.

Sida ay qoreen Warbaahinada Aduunka Itoobiya ayaa  waddo dadaalo badan oo ay Aduunka iyo Qaramada Midoobay ugu dhaadhicineyso in Cunaqabateynta Dhaqaale iyo tan hubka ahba laga qaado Asmara.

Ismaa,iil Cumar Geelle Oo Ku Hurdaya Shirkii Jaamacadda Carabta

Muddo dheer oo uu madax ka ahaa Jabuuti Mudane Ismaaciil Geelle ma uusan qabanin wax muuqdo oo dan u ah shacabka Jabuuti, waxa uuna Wadankani Yar ka dhigay xeryo ciidan oo ay ku baratamaan wadamada Waaweyn sida Fransiisa,Shiinaha  iyo Mareykanka.

Ka Dib Heshiiska aan la gala tashan Jabuuti, ee dhax maray Itoobiya iyo Eriteria ayaa hadda waxa ay u muuqataa in  uu saameyn weyn ku yeeshay Jabuuti, waxaana arinka sii xumeynaya markii Jabuuti ay ka warheshay in Eriteria ay ka nasan doonto Cadaadiskii ka imaanayey Itoobiya, arinkaa oo Eriteriya fursad u sii doono in ay gamato gool ku laad xor ah oo ka dhan ah shabaqa Jabuuti.

Itoobiya ayaa hadda u muuqata garsooraha Ciyaarta, waxaana la sugayaa xilliga ay ka dhawaajin laheyd faranbiga,  waana wax iska cad in Jabuuti ay tahay “Cahso Fudud” oo saaran Miiska Cashada ee Asmara,waxaana wadna xanuunka Jabuuti sii kordhiyey  booqashada hogaanka niyadda jilacsan ee Soomaaliya uu ku tagay Asmara.

Booqashada firfircoonida ah ee Farmaajo waxa ay ka tarjumeysaa Sida niyadda leh  ee Farmaajo ula dhacsan yahay soo laabashada “Itoobiyada Weyn” hase ahaate Isbadalkan Cusub ee Geeska  Afrika ayaa noqday mid hal xiraale adag hordhigaya rajadii “Soomaali weyn”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada