janaayo2016 iyo janaayo2017 maxaa ku dhacay ciidanka kenya”aqriso warabixin faafaahsan”

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
ciidan katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay Weerar Xoogan la beegsadeen Xerada ugu Weyn Soomaaliya kulahaayeen Ciidanka Kenya.

Xeradaasi oo Qalab iyo Ciidan Badan kusugnaayeen ayaa Ciidanka Kenya ay Khasaaro Xoogan kasoo gaartay sida lagu soo waramay

Mid ka mid ah Tv-yada ugu Caansan Kenya ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay dileen inkudhaw 60 Askari oo Kenyaan ahaa sida ay Saraakiisha Al Shabaab kasoo xigteen.

Tebiyaha Warbixintaasi Ee Tv-ga kasoo muuqatay waxay sheegtay in Dawlada Kenya Mas’uuliyiin uhadashay ay sheegeen inay dib kasoo gudbin doonaan Warbixin faah faahsan.

Isbar bar dhig ayaa lagu sameeyey weerarkii Saaka Kulbiyow iyo Midki 2016 Bishii Janaayo lala Eegtay Fariisinta Ciidanka Kenya ku lahaayeen Ceel Cade Ee Gobolka Gedo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
weerarada ceelcade vs kulbiyow

Kooxda AlShabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday fariisimadii ciidamada Kenya ee deegaanka ceelcadeoo ku yaal gobolka Jubbada Hoose bishii jnaayo 2016
Weerarka oo ku  bilowday is qarxin  ayaa qaatay saacado waxaana uu ahaa mid kamid ah weeraradii ugu xooganaa ee lala bartilmaameedsado ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.
HADABA YAA FULIYAY WEERARKA?
Kooxda AlShabaab ayaa shaaca ka qaaday in kooxdii fulisay weerarkii ceelcade  ay ahaayeen kuwa si weyn loo diyaariyay.
War kasoo baxay AlShabaab ayaa lagu sheegay in  guutada Ashahiid Saalix Nabhaan ay ka danbeeyeen weerarkii deegaankaas ceelcade.

halkan ka daawo ninkii fuliyey weerarka ceelcade oo hadlay
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Hadbaba maanta taariikhdu taay 27 janaayo 2017 ayaa waxaa weerar loa mid ah kii ceelcade lagu qaaday kulbiyow oo jubada hoose ah

YAA FULIYEY WEERAR

markale Alshabab ayaa baahisay in kuutada dagaalkan fulisay ay tahay isla kuutada saalax nabhaan

WAA MAXAY KUUTADA SAALAX NABHAAN

Guutada Ashahiid Saalix Nabhaan, waxaa loogu magac daray  sargaal shisheeye ah oo katirsanaa kooxda AlShabaab kaas oo lagu dilay weerar diyaarado dagaal ka geysteen Dhoobley sanado kahor.
Kooxdan ayaa lagu xasuustaa iney geysteen weeraro xoogan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaana kamid ah weerarkii deegaanka Ceel-cadde halkaas oo Kenya looga dilay askar ka badan 150.
Sidoo kale waxaa ay marar badan weeraro ka geysteen gobolo ay kamid yihiin Sh/Hoose gaar ahaan Afgooye iyo Hiiraan gaar ahaan Buulo-Burde.
Wararkii ugu danbeeyay & Khasaaraha
Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay halkaas haatan ku sugan yihiin kadib saacado kooban oo ay AlShabaab haysteen.
AlShabaab ayaa sheegey iney 65 askari Kenya kaga dileen dagalkaas, halka sargaal Kenya uhadlay uu beeniyay warka AlShabaab.
Laakiin Warar madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in KENYA askar badan looga laayay dagaalka kuwa kalana looga dhaawacay, waxaa kaloo lasoo sheegayaa in maxaabiis laga qabsaday.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA