Jeesow “Farmaajo Waxa Uu Ku sigtay In Uu Alshabaab Gacanta u galo”

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayuu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in ay maamulaan Al-Shabaab isagoo Axmed Madoobe ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Axmed Madoobe waa Al-Shabaab waxaana qatar galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka balse Alle ayaa soo badbaadiyay” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

“Axmed Madoobe waa hogaamiyaha garab kamid ah Al-Shabaab waxa uuna aaminsan yahay fikirkooda sababtoo ah waad ogeed in uu ajaaniib ku tilmaamay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in uusan rajo ka qabin in uu tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose inta uu ka shaqeeyo maamulka Axmed Madoobe oo uu ku tilmaamay garab kamid ah Al-Shabaab.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA