Jeesow Oo Garaacay Kaban Cusub “Waxaa Jira Laba Deni”

-

Maamulka puntland ayaa dhawaan qaatay go’aan amraya ganacsatada puntland in aysan badeeco u iibin karin gobolada kale, gaar ahaan gobolada dhexe oo si toos ah u isticmaala dekadda Boosaaso.


Xaqiiqonews-Wararka-Gudaha

Go’aanka puntland ayaa abuuray xiisad u dhaxeysa maamulada puntland iyo Hirshabelle, waxana reer Hiiraan ay dhankooda ku hanjabeen in ay ka jawaabi doonaan waxa ay ugu yeereen “cunaqabateyn” ay puntland saartay.

Jeesow oo ka mid xildhibnaada Df-ka, dhacdadana ka hadlay ayaa sheegay in niyadiisu aysan ku soo dhicin in fadaraalka uu keeni doono mushkilad noocan ah.

Sidoo Kale Aqri..Jeesow Iyo Farmaajo Yaa Ku Fiican Maadada Taariikhda?

Jeesow ayaa puntland xasuusiyey ganacsiga ku saleysan wax “is dhaafisga” ee ka dhaxeeya labada maamul, waxa uuna tusaale u soo qaatay noocyada kale duwan ee khudaarta kuwaasi oo laga dhoofiyo Baladweyne.

Raadinta Suuqyo cusub

“puntland meesha ugu badan ee ay wax ka iibsadaan waa Baladweyne” ayuu yiri Jeesow oo tusaale u soo qaatay xoolaha iyo khudaarta.

Jeesow oo ka walaacsan mustaqbalka ganacsiga ka dhaxeyn kara labada gobol ayaa yiri “hadii aan kala miirmeyno, inshaa alaah waxa aan raadsaneynaa suuqyo kale”.

Xildhibaan Jeesow ayaa farta eedda ku fiiqay Deni iyo dadka ganacsatada oo sida uu yiri ka aamusay go’aanka maamulkooda.

“Aniga Deni kale ayaan arkaa, ma arko Denigii wanaagsanaa ee Soomaalinimada Jeclaa ” ayuu yiri Jeesow oo intaasi sii raaciyey in Deniga hadda joogo uu noqday waxa uu ku tilmaamay “qaran burburis”.

Halkan hoose Ka Daawo Muuqaalka

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...