Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan ay ku maqan tahay NISA, ehelkeedana aan lagu qaldi karin “isku tuur tuurka”.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Jeesow waxa uu dowladdii hore ku eedeeyey in ay ku fishilntay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil isagoo wax aan lagu qanci karin ku tilmaamay hadalladii is diidanaa ee uu Fahad Yaasiin ka sheegay dilkii Ikraan.
Jeesow ayaa beeniyey hadalkii Fahad ee ahaa in Ikraan ay aheyd “shaqo la’aan” waxa uuna xusay in ay shaqeyneysay oo ay soo dhammeysatay koorso ay NISA lacagteeda bixineysay oo dalka dibbadiisa ah.
Jeesow waxaa uu ku goodiyey in arintu ay qabiil noqon doonto beeshana ay dib u tashan doonto hadii aysan dowladda hadda jirta la imaanin baaritaan dhab ah oo ku saabsan qaabkii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax.