Jesoow Oo Wariyaasha Ka Dalbaday In Aan Su’aashan Dib Loo Weydiin

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa aad uga carooday in been loo sheega shacabka isagoo meesha ka saaray Doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2021.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha/Muuqaalo

Xildhibaan Jeesow oo wareeysi siiyey Telifishinka RTN ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah gaar ahaan muranka taagaan ee ciwaankiisu yahay “doorasho qof iyo cod ah”.

Jeesow ayaa meesha ka saaray suurtgalnimada in la helo safaf dhadheer oo ah dad codkooda dhiibinaya xilli amaanka dalka uu qatar ku jiro , isaga oo is weyydiiyey “yaa feel kuu soo galaaya, waa qofkee kaas” xilli amaanka madaxtooyada iyo hoteelada ay yihiin “kuwa aan la isku haleyn karin”.

Sidoo Kale Aqri Video-kan Ayuu Jeesow Ku Qaatay Nobel Prize

“Doorasho qof iyo cod ma dhici karto runta ha la isku sheego” ayuu yiri Jeesow oo sheegay in la qaban karo oo kaliya doorasho u ek kuwii dalkan ka dhici jiray laga soo bilaabo carto ilaa dowladii Xasan Shiikh.

Siyaasiga ama Madaxweyna ama Ra’iisul wasaaraha ku fikiray in doorashada soo socoto ay noqoneyso qof iyo cod, ayuu jeesow ku tilmaamay “Beenloow”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA