Jig Jiga Oo Gashay Habeenkii Koowaad Ee Maalmo Madow !

Telefishanka ismaamulka ESTV ayaa waxa laga baahiyey Muuqaal laga soo duubay Cabdi Maxamuud Cumar Cabdi Iley oo Shacabka ugu baaqay in La is dejiyo , hase ahaatee dadka ayaa u muuqda kuwa ka  xarooday madowga habeenka, waxaan birri la filayaa in rabshadaha halkooda ka sii socdaan.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda

Magaalada Jig jiga ayaa Galabta waxa la filayey in R/wasaare Kuxigeenka Itoobiya maanta la filayey inuu halkaasi tego balse u baaqday sababa la xariira amaanka magaalada oo noqday mid faraha ka baxay.

ugu yaraan 125 qof oo ku dhaawacmay dagaalladii maanta ayaa la dhigay isbitaallada Jigjiga, ciidamada melleteriga Itoobiya oo saaka qabsaday magaalada ayaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan xarumaha maamulka balse melleteriga Xabashida ayaa wali gacanta ku haya garoonka diyaaradaha Jigjiga iyo wadada aadda dhanka magaalada Harar iyo dhammaan waddooyinka Jigjiga soo gala.

Seddex diyaaradood oo Military-ga Ethiopia leeyihiin ayaa goor-dhawayd Jig-jiga ka dagay ilo-wareedyo ayaa sheegayaan in Ciidanka Military Ethiopia Cabdi iley gacanta ku hayaan oo muuqaalkii galabtana isla Military gu kasoo duubeen laakiin ciidanka Liyuugu dusha sare kaga sii xeeran-yihiin Guriga madaxtooyada ee lagu hayo Cabdi iley.

ilo-wareedkani waxay sheegayaan inay Military-gu rabaan inay Caawa habeenimo Cabdi iley hab dhuumaal ah loogu qaado Addis Ababa si halkaa loogu xiro.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA