Jimcaale Yare Ayaa Isku Qarxiyey W.Sh. Shaqaalaha+Cod Laga Duubay

La Wadaag Asxaabtaada

Idaacadda Alshabaab Andulus ayaa  baahisay wareysi laga qaaday mid ka mid ah raggii Fuliyey weerarkii lagu qaaday wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Xaqiiqonews-Wararka gudaha

Jimcaale Shalabow oo Al-shabaab dhaxdeeda looga yaqaan Sufyaan waxaa uu ahaa ninkii fuliyey Weerarkii lagu qaaday wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Jimcaale Waxaa uu ka mid ahaa caruurta iyaga oo aad u yar Alshabaab ku soo biiray,  hadda waxaa uu  ka mid noqday kooxdii loo xilsaaray weerarkii shaqada iyo Shaqaalaha, gaar ahaan waxa uu ahaa wadihii gaarigii  lagu daah furay weerarka

Jicmaale waxaa uu ahaa 17 sano jir, waxa uuna ka dhashay beesha Ogaadeen, waxaa uu ku dhashay deegaanka Salagle, oo ka tirsan Jubbada Dhexe,.

Ka hor inta uusan is qarxinin, waxaa uu ka soo dagaalamay Shabeelaha Dhexe, waxaana loo badinayaa in uu qeyb ka ahaa dagaalkii Balacad.

Halkani ka dhageyso Codka Jimcaale Oo La Wareysanaayo

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada