Jiritaankii Soomaaliya Oo Saaran “Firaashka Geerida”

-

Ka dib markii la faafiyey Khariidadii dooda dhalisay ee lagu inkiray jiriraanka dalka Soomaaliya, labo maalin un ka dib Kenya ayaa soo saartay go’aano cusub oo ka dhan ah Soomaaliya.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Ka dib Meel ka dhac weyn oo loo geystay jiritaanka Soomaaliya, ayaa waxaa DF-ka loogu laab qaboojiyey “Waxaan ka qoomameyneynaa khaladkii dhacay”.

Kenya ayaa ka qeyb qaadatay qaaraannka iyadoo soo saartay bayaaan u qornaa sidan “Dowladda Kenya waxay ogaatay oo ay walaac ka qabtaa shixnado badan oo aysan cidna la socon oo ka imanaya Soomaaliya. Tani waxay jebineysaa xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka, waxayna soo rogaysaa halis amni” 

iyadoo raacsatay “Sidaas darteed, dowladda Kenya ma ogolaan doonto in alaab aysan cidna la socon ay kasoo gasho dalka Soomaaliya. Diyaarad kasta oo arrintaas sameysana waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda” .

Arimo Dhacaya Markii ugu horeysay

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee Itoobiya ay si bareer ah u soo daabacdo khariidad meesha ka saartay dhukii “Soomaaliya” , taasi oo dadka wax falanqeeya ay ku tilmaameen “Tijaabin” iyagoo sheegay in Itoobiya ay dooneysay in ay ogaato falcelinta shacabka iyo madaxdaba ee ku aadan qorshaha fog ee Itoobiya.

halkee Sartu ka quransantahay?

Mushkiladda ay Soomaaliya waajaheyso ma ahan oo kaliya Kenya iyo Itoobiya, go’aanada jilicsan ee DF-ka ayaa nal cagaaran u daaraya Kenya iyo Itoobiya kuwaasi oo helaya goob aamin ah “Comfort Zone” oo markale ay ku tijaabin karaan wax walbo oo niyadooda ku soo dhaca iyaga oo aan ka cabsi qabin wax halis ah oo uga imaanaya dowladda Soomaaliya

Waxyaabaha Kale ee Kenya iyo Itoobiya Saacdiya waxaa ka mid ah mowqifka dowladaha khaliijka, iyadoo dowladda Imaraatka iyo Sacuudiga ay hogaaminayaan dagaalka ka dhanka ah jiritaanka Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...