Jubbaland oo dalbatay in baaritaan dheraad ah lagu sameeyo dilkii Wasiir Cabaas

-

Maamulka Jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo guriyeynta Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay afaafka hore ee Madaxtooyada.

War qoraal ah oo ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka inay baaritaan baahsan ku sameyso dilkaas, isla markaana la soo bandhigo wixii ka soo baxa baaritaankaas.

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas ayaa dhamaadkii sanadkii 2016 laga soo doortay magaalada Kismaayo, kaddib doorasho uu ku tartamay kursiga beeshiisa, waxaana uu xilligaas ka guuleystay Wasiiru dowlihii Warfaafinta Beekoos.

Aas qaran ayaa maanta lagu wadaa in loo sameeyo Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji, waxaa lagu wadaa in aaskiisa ay ka qeyb galaan Madaxda dowladda.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...