Soomaalida baraha bulshada ayaa aad u faaqiday sawir qaab ahaan u muuqda sawir rag, balse sheekadu ayaan aheyn mid caadi ah.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Sheekada ayaa qeyb ahaan u muuqata “mid wahmi ah” , hase ahaatee Sawirka ayaa kiciyey mowjado dood ah oo si aad ah loogu faafiyey Internet-ka kaasi oo xambarsaan sheeko weyn oo qarsoon.
Sidoo Kale Aqriso: Waa-maxay-sheekada-sawirkan-gilgilay-dunida-iyo-baraha-bulshada…Cajiib?
Dadka qaar ayaa sheekadani ku tilmaamay in aysan dhaafsiisneyn “khiyaano internet” ,Dhankoodase booliska Gaalkacyo ayaa ku doodaayo in ay diwaan giliyeen oo ay gacanta ku haayaan faafaahinta.
Sawirka ayaa ah qof labisan dharka ragga balse lagu sheegay in ay tahay gabar guursatay gabdho kale iyada oo iska dhigtay rag.
Sawirka gabadha guursatay gabdhaha kale,
In si dhab loo tilmaamo cidda sawirka ka muuqata in ay tahay rag ama dumar waa mid adag ,dadka qaar ayaase is weydiinaya su’aalo dood dhaliyey oo la iska weydiin karo macluumaadkii Booliska.
Boliiska ayaa sheegay in qofka sawirka ka muuqda la xaqiijiyey in ay tahay haween, waxa ayna intaasi ku dareen in ay iska dhigi jirtay Nin, waxa ayna guursatay labo hablood, iyadoo loo dhalay labo canug!