Ka Dib Murankii Tuwiterka.. Trump Oo Ku Hanjabay in La Xiro doono Baraha Bulshada

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjbay in la xiro doono baraha Bulshada ka dib markii ay isqabteen isaga iyo Tuwiterka.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Trump ayaa Tuwiterka ugu baaqay in uu meesho ka saaro qoraalo digniino ah oo hadalka Trump qoray ku tilmaamayey in uu yahay “maran habaabin”.

Trump ayaa ku qeyliyey in baraha Bulshada ay afka u qabteen dad uu ku tilmaamay “muxaafidiin”.

Waxaa uu intaasi raaciyey “waxaan u isticmaali doonaa xoog si loo xiro, mana ogolin in waxyaabahaas camal dhacaan”.

Trump ayaa hadalkiisa ku soo xiray “Baraha bulshada, dag dag sidan ha iska badalaan”.

Sidoo Kale Aqri..Waa Tan Sababta Trump Uusan U Qaadan Taleefoonka Gacanta

Doodda Trump iyo Tuwiterka ayaa dhalatay ka dib markii Trump 2 qoraal oo Trump leeyahay la hoos dhigay diniin sheegeysa in hadaladani ay yihiin “maran habaabin”

Mid ka mid ah hadalada Trump ee Tuwiterka maran habaabin ku dul qoray waxa ay u qorneyd sidan “ku codeynta nidaamka codeynta ee “mail in ballots” waa khiyaano cad, taasina oo keeneysa doorasho “ku shubasho ah”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada