Kala Duwanaashaha Ragga iyo Dumarka ee ku Saabsan Fikirka “Galmada”

-

Waxaa jira daraasad uu sameeyey machad Mareykan laga leeyahay oo lagu magacaabo APA, waxa ayna ku saabsaneyd kala duwanaashaha Xagga aragtida ku saabsan “Galmada”, waxaana warbxintan aan u soo gilinay ayaa ah in la xaqiijiyo Raali ahaansho galmo iyo farxad dadka is qaba dhexdooda,ee u jeedka ma ahan dhiiri gilinta iyo toosinta xariirka galmo ee dadka aan isku banaaneyn.

Xaqiiqonews-Wararka

  1. In la isku  xiro Jaceylka Iyo Galmada

waxa ay daraasadda si weyn ugu hadashay dhinacan waxa ayna sheegtay in dumarka aysan sii buuxda ugu raaxeysanin galmada hadii uusan jirin jaceyl, haweeyneyda marka ay jeceshahay ninka waxa ay siisaa xiriir cajiib ah oo mid isagoo kale aan la arki karin, hase haate ninka waa uu ka duwan yahay, ragguna agtooda wax farqi ah uma dhaxeeya jaceylka iyo galmada.

daraasadda ayaa tiri 80% ragga galmada ayey xiiseeyaan ka dib ayuuna jaceylkooda yimaadaa.

2. Galmo hal habeen ah.

Raggu intooda waxa ay jecelyihiin galmada halka habeen ah,  hase yeeshee dumarka ayaa gabi ahaanba ka duwan fikirkaasi, waxa ayna galmada la tahay bar bilow goglaha u xaaraya xiriir iyo mustaqbal cusub.

3. Qaabka kicinta dareenka.

Daraasadda ayaa dhinacan si weyn uga hadashay , waxa ayna sheegtay in ragga dareenkooda uu mar walbo kaco hadii ay daawadaan muuqaal ama sawir galmo la xariira,  balse  dumarka arinkaa ka duwan, waxa uu dareenkooda kacaa oo kaliya marka la gaaro xilliga caadada”Dhiigga”am  wax yar ka hor iyo  ka dib.

4. Taabashada dareenka leh.

Taabasho walbo ee jinsiga kale ayaa ragga agtooda waxa ay uga dhigan tahay galmo, Hase ahaate taabashada dhankooda dumarka waxa ay aaminsanyihiin fikir ka duwan kan ragga, dumarka waxa laga yaabaa in jecelyihiin taabashada dareenka leh, marmarka qaar taabashadan waxa ay agtooda uga qiima badan tahay galmada.

Taabasho aysan ka dambeyn galmo, waxa ay dumarka dareensiineysaa raaxo nafsadeed iyo deganaan, taasi oo kor u sii qaadeysaa xiriirk ay la leedahay ninka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...