Karoona Ka Dib..Dhulka Oo Wajahaya Musiibo Ka Halis Badan!

Beryahan dambe waxaa dunida qabsaday fayruska dilaaga ah ee “Karoona” , tiiyo jirta ayaa waxaa dhanka kale laga cabsi qabaa halis kale oo dhulka ku soo wajahan.


Xaqiiqonews-Saynis

Hay’adda xiddgiska u qaabilsan Mareykanka NASA ayaa sheegeysa in uu jiro kowkab yar kaasi oo xajmi ahaan la eg buurta Everest,waxaana la filayaa in kowkabkani yar uu dhulka u soo dhawaan doono bisha soo socota.

Sida ay hay’adda ku doodeyso kowkabani ayaa filayaa in uu soo mara meel dhulka u dhaw 29 bisha April, saacaddu marka ay tahay 4:56 oo subaxnimo.

Steven Bravo oo ka tirsan NASA ayaa sheegay in kowkabkani iyo kuwa la midka ah la ogaaday ka dib markii loo isticmaalay qalab tayo leh kaasi oo lagu ogaado waxyaabaha dhulka ku dhaw.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA