KASHIFAAD: Amisom oo muqdisho ka furatay goobo gacansi# aqriso maxey iibiyaan

Xog hoose oo warbaahinta qaar faafiyeen ayaa sheegaysa in ciidamada AMISOM ay maalin walbo magaalada Muqdisho ka sameeyaan arrin aad halis ugu ah dhanka amniga.
Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa maalin walbo waxa ay iibiyaan Booyad Haafkeed oo shidaal ah, iyaga oo siiya shirkado ay shacab leeyihiin.
Geerash ku yaalla degmada C/casiis, gaar ahaan meel ku dhow Mirnaayada ayaa la sheegay in galab walba abaare 5-ta ay tagaan Saddex gaari oo Labo ay yihiin kuwo dagaal oo ciidamada AMISOM saaran yihiin, halka midka kalena yahay booyad haaf ah oo shidaal lagu qaado.
Shidaalkaasi lacagta laga soo bixiyo waxaa qaata ciidanka geeyay meesha iyo sidoo kale saraakiishooda.
Dowladda Soomaaliya weli arrintaan ma aaney ogaan, sababtoo ah waxyaabaha AMISOM sameeyaan maba sii dabogalaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA