Kenya..Dagaalkii Beled-Xaawo Waxaa Qeyb ka ahaa NATO!

Dagaalka Balad-xaawo ayaa noqday kulan is-barasho oo si aan rasmi aheyn u dhaxmaray Ciidanka DF-ka iyo Kuwa Kenya oo iyagu gabbaad ka dhiganaayey ciidanka Jubbland.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Wararka qaar ayaa sheegay in ujeedka dagaalku u ahaa in la soo qabto wasiirka Jubbland Janan, oo baryahanba ku dhuumaaleysanaayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandheera iyo Balad-xaawo.

Dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar ayaa waxa uu xooggiisu dhacay subaxnimadii isniinta, ka dib markii ciidanka DF-ka ay qaadeen isku day fashilmay oo lagu doonaayey in lagu soo qabto Janan.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro dhismasho iyo dhaawac oo isagu jira dadka rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in dagaalku ay qeyb ka ahaayeen waxa ku tilmaameen “cutub ka tirsan ciidanka Nato”, iyagoo ula jeeda ciidanka Harmacad ee Turkiga lagu soo leyliyey.

Ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ayaa dagaalka qeyb ka ahaa, waana arinka sida gaarka kaga yaabiyey ciidamada Kenya oo halhaleel xeryahoodu ugu cararay ka dib markii ay rasaasta u dul qaadan waayeen.

Ciidanka Df-ka Ee Gedo ku sugan ayaa ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee Turkiga soo tababaray.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA