Booliska gobolka Kiambu ayaa raadinaya nin saaxibtiis dilay ka dib markii ay u karin waysay qado soorta Ugaali ah.
XAQIIQO NEWS- LA YAABKA DUNIDA
Wey qeylisay, saaxibkeedna wuu orday, deriska ayaa isku dayey in ay dhiig baxa joojiyaan ayuu yiri mid ka mid ah deriskeeda oo la hadlay warbaahinta maxaliga.
Simon Njoroge oo ahaa nin deris la ahaa haweeneyda dhimatay ayaa u sheegay warbaahinta in naagta dhimatay ay dadka u sheegtay saaxibkeed oo baahan oo ay ugaali u karin weysay darteed in loo mindiyeeyey.
Dadka deegaanka ayaa haweeneyda ula cararay isbtiaalka Nazareth Hospital, halkaasi markii dambe geerideeda laga soo sheegay.
Booliska ayaa sheegay in ay baarayaan hadii ay jirto sabab kale oo ka baxsan in Ugaali darteed loo dilay haweeneyda.
Dhacdadan dhimashada keentay ayaa maalintii arbcada aheyd ka dhacday tuulada Kamahindu ee ka tirsan deegaanka Lari.