Kenya..Hooyo Caruurteeda Dhagax U Karisay Oo Ilmihii Ka Dhinteen

-

Mary Kaingu oo ah gabar yar oo afar bil jir, ayaa dhimatay ka dib markii hoyadeed ay u karisay “dhagax” baahi darteed”, tuulo yar oo hoos timaada Kisauni, oo ka tirsan gobolka Mombaasa ee dalka Kenya.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Gabadha yar ee Mary ayaa ku dhimatay isbitaalka Coast General Hospital, halkaasi oo gabadha loola cararay ka dib markii lagu arkay “calool xanuun daran”.

Oohinta iyo taaheeda gaajada darteed ah ayaa ku qasbay hooydan 36 jirka ee lagu magacaabo Peninah Bahati, in ay biyo kuleel dabka saarto dhagaxna ku rido sida ay caruurteeda ugu maleeyaan in cunto loo karinaayo.

Prischah Momanyi, oo deris la ah hooyada ayaa soo dhigtay baraha bulshada hooyadan oo caruurteeda ku sasabeysa biyo kuleyl oo dabka saaran iyo dhagax ku dhax jira.

Asha Mohamed oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa bixisay baabuur keeda, si loo soo qaado jirka gabadha dhimatay loona geeyo Mariakani, oo ah halka uu ku aasanyahay aabaheed.

Sidoo Kale Aqri..Diyaarad Kenyan ah Oo Lagu soo riday Soomaaliya..xogtii u dambeysay


Elephant Memory oo ka falceliyey dhacdada ayaa yiri ” Murug ” isagoo hadalka sii wada ayuu yiri “waa kaas halkii shir jaraa’id lagu qabanaayo lacag dhan 70 milyan oo shilinka Kenya ah, waa kaa wali lacag lagu bixinaayo dhimashadi joma Kenyatta ama Moi.” waxa uuna daba dhigay kalimad Sawaahili ah “ Wajinga sisi” oo macnaheedu tahay “maxaan doqomo nahay”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...