Kenya Iyo Jabuuti Waa La Soo Dirsadee..Yaa Soo Dirsaday!

-

Aqoonyahan Maxamed Cawaale oo ka mid ah aqoonyahanada rer Jabuuti ee ku nool qurbaha oo ka hadlay muranka seddex xagalka ee Somaaliya Jabuuti iyo Kenya ayaa arimo badan oo xasaasi ah banaan soo dhigay.


XAQIIQO NEWS- WARKA GUDAHA

Aqoonyahan Maxamed Cawaale oo live facebook ku jiray ayaa sheegay in uu raali gelin ka bixinaayo go’aankii Jabuuti ee meel ku dhaca ku ahaa qaranimada Soomaaliya, isaga oo banaanka keenay qorshayaal Jabuuti gar wadeen ka tahay oo Soomaaliya lala damacsanyahay.

Cawaale waxa uu sheegay in dagaalka Soomaaliya lagu haayo uusan ka imaan Nayroobi iyo Jabuuti balse dalalkani ay yihiin qalab loo isticmaalayo dagaalka, waxa uuna farta eedda ku fiiqay Faransiiska iyo Mareykanka oo iyaga dabada ka riixaya dagaalka.

Sidoo Kale Aqri: Yaa Amray Uhuru si Uu Farmaajo la Heshiiyo

Aqoon yahan Maxamed Cawaale waxa uu sheegay in uu jiro qorsho ay shirkada shidaalka ee Faransiiska Total SE ka leedahay Soomaaliya, qorshahaasi oo Geelle uu wakiil ugu yahay Faransiiska.

Dhanka kale Cawaale waxa uu sheegay in seddexda nin ee gudiga ugu muhiimsan labo ka mid ah ay ahaayeen canfar, halka midka kale uu ahaa isaaq, waxa uuna xusay in sababta Gelle uu canfarta u doortay ay tahay isaga oo og cadowtooyada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo canfarta gaar ahaan xilligii xoreynta jabuuti oo canfarta ay la shaqeyn jireen gumeystihii Faransiiska.

Ilaah Dartiis iyo runta Darteed.

Cawaale waxa uu sheegay in uu jiro qorsho ay qeyb ka ahaayeen madaxdii hore ee Soomaliya, Geelle iyo Kenya, kaasi oo lagu doonaayo in qeyb ka mid ah Jubbooyinka laga dhigo mid Kenya leedahay si shidaalka looga soo saaro madaama ay Soomaaliya xasilooni ka jirin.

“Sh. Sahriif CC Shakuur iyo Cumar C/Rashiid ayaa saxiixay heshiiska” ayuu yiri Cawaale oo sheegay in uusan kala jecleyn siyaasiyiinta Soomaaliya balse uu doonaayo oo kaliya in uu runta ka hadlo.

Cawaale waxa uu yiri “Hadii aad rabtaan Farmaajo qabiil ku eryada laakiin waxaan nii sheegayaa in loo colaadiyey Soomaaliya darteed”.

Ugu dambeyntii Cawaale waxaa uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay fahmaan cadowgooda dhabta ah, isaga oo yiri “Geelle iyo Uhurru ma ahan cadwoga Soomaaliya, raggaasi waa qalab la isticmaalo,danahooda ayeyna fiirsnayaan, reer galbeedka ayaana u adeegsada Soomaaliya”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...