Kenya Oo Liiska Hore Ka Gashay Dalalka Iiraan Ay Beegsan Karto!

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda Iiraan ayaa balan qaaday in ay Beegsan doonto danaha Mareykanka ee dunida oo dhan, waxa ayna Iiraan sheegtay in ay ku mashquulsantahay kala xulashada “bartilmaameedyada ugu fiican”.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Sanadkii 2012 gudaha Kenya waxaa lagu xeray labo nin oo lagu kala magacaabayey Axamed abulfatxi iyo Sayid Mansuur, raggani ayaa ka tirsanaa ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga Iiraan, gaar ahaan garabka qaabilsan howlgada dibadda ee lagu magacaabo “Qudus”.

Ragga la xiray ayaa looga shakisanaa in ay doonayeen weeraro ka dhan ah Israa’iiliyiinta, Ingiriiska iyo Mareykanka ku sugan Kenya.

Khubarada ka takhasusay siyaasadda Iiraan ayaa aaminsan in beegsiga Iiraan ee Kenya uu ka dhigan yahay “hal dhagax labo shimbir ku dil”, maadaama Kenya wili ay kacanta ku heyso raggaasi, isla markaana ay saaxib dhaw la tahay Mareykana iyo Israa’ill oo hadda ah dooqa koowaad ee Iiraaninyiinta.

Websaatyka Voa- qeybta afka ingiriiska ayaa waxaa lagu qoray warbixin ciwaan looga dhigay “Iiraan oo Danaha Mareykanka ee Afrika Beegsan karta”, Siyaasiyiinta ayaana aaminsan in Kenaya ay tahay beegsi jilicsan oo si dhaw ay Iiraan ku gaari karto.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada