In cadaadis la saaro Dowladda Soomaaliya, iyo Shacabka Soomaalida si loogu qasbo Soomaaliya in ay tanaasulaad sameeyso waa istiraatiijiyadda Cusub ee Kenya.
Xaqiiqonews-Wararka
Kenya waxa ay arintani la kaashaneysaa Dowlado Lid ku ah jiritaanka Soomaaliya Sida, Imaaraatka, Sacuudiga iyo Itoobiya.
Horayba Kenya waxa ay ku dhaqaaqday qorshaheeda, waxa ayna Cadaadis saartay Diblumaasiyiinta Soomaalida, waxa ay xirxirtay aqoonyahanno Soomaali ah, waxa ayna dhulkeeda ka mamnuucday shirkado, iyo ganacsato Soomaali ah.
Hase yeeshee si ka duwan sidii ay fileysay, xisaabaadka ay keenya isku dardarsatay ayaa u muuqdo kuwa keeni kara arimahan soo socda
-Midowga Soomaalida
Cadaadiska Kenya ayaa sababi kara natiijo ka duwan wixii ay filanayeen,Soomaalida ayaa bilaabi kara in ay u midoobaan ilaalinta hantidooda iyagoo markaasi iska iloobi kara isqabqabsiyada dhexdooda ah.
-Dib u soo noolaashaha Dhaqdhaqaaqii Xoreynta NFD
Dhaqdhaqaaqa xoreynta NFD ayaa durba bilaabay olole ay dib boorka iskaga jafayaan iyaga oo markani filanayaa taageero ay ka helaan DF-ka iyo Soomaalida.
Qoraal la soo dhigay Tuwiterka ayaa lagu sheegay in dabaayaqada bishan June sanadkan 2019 , la qaban doono shir loo yeeray “aayo ka tashi” oo ay soo qaban qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Xoreynta NFD.
Shirkaasi waxaa lagu casumay hogaamiyaasha ugu caansan Soomaalida Kenya, waxaana ka mid ah dadka la xusay
1 – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale
2 – Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil
3 – Xildhibaan Cali Qorane
4 – Faarax Macalin
5 – Axmed Naasir
6 – Junet Maxamed
W/Q Aadan Cabdi