Khabiir Iiraan Ah “Mareykanka Ilbiriqsi Ayuu Nagu Burburin Karaa”

-

Khabiirka Caanka ah ee reer Iiraan Saadaq Malaki ayaa sii saadaaliyey Nooca Weerar ee Mareykanka uu ku qaadi kara Dalkiisa.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Daraasad ay baahisay xarunta Diblomaasiyadda Iiraan ayaa Lagu soo hadal qaaday Hadalka Saadaq Malaki oo ka digay dagaal dhab ah oo dhaca hadii aan laga shaqeynin sidii looga baqaan san lahaa dagaal dhaca.

Saadaq Malaki ayaa saadliyey dhowr nooc oo dagaal oo laga yaabo in Mareykanku uu ku qaado dalkiisa.

-Dagaal Ilbiriqsiyo ah

Malaki waxaa uu leeyahay nooca koowaad ee Mareykanka laga filan karo waa dagaal heersare ah oo ilbiriqsiyo gudahood lagu burburiyo goobo xasaaasi ah oo Iiraan ay leedahay.

Nooca dagaalkan Ayuu Mareykanka uga dan leeyahay sidii uu hoos uga dhigi lahaa awoodda Iiraan.

-Dagaal Guud

Nooca labaad waa midka uga halis badan sida uu aaminsanyahay Malaki ,nooca dagaalkan ayaa noqon kara in duqeymo ka dib in gudaha Iiraan ay soo galaan ciidamo Lug ah taasi uu Malaki ku tilmaamay “Dagaal guud”.

Dagaalka ka dib Mareykanka ayaa ku dadaali doono sidii loo kala qeybin lahaa Iiiraan waxaana arinta Mareykanka uu taageera kaga helayaa dowlado deris la ah Iiraan oo Sacuudiga ay ka mid tahay.

Malaki Waxaa uu leeyahay intaasi oo dhan ka dib waxaa la filan karaa in uu dilaaco khilaaf diimeed salka ku haaya Madhab sidii ka dhacday Ciraaq, Afghanistan Iyo Liibiya.

Si kastaba ha ahaatee Saadaq Malaki mar uu ka hadlayey Awoodda Iiran ay u leedahay in ay kaga hortagto weerarka Mareykanka waxa uu ku gaabsaday “Iiiraan Wali ma gelin dagaal dhab” oo lagu ogaado.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...