Dood dhinacyo badan taabaneysa ayaa ka dhalatay dilka nin madow ah, kaasi oo qaab fool xun ugu qor baxay jilibka Booliska.
Xaqiiqonews-Wararka dibadda
Muuqaalka la baahiyey ayaa lagu daawaday, nin boolis ah oo jilbaha qoorta ka saaray nin madow ah ilaa ay nafta ka baxday, waa arinta keentay in guud ahaan Mareykanka laga dareemo “kacdoon dhulgariir ah”, gaar ahaan waxaa dhacdada si weyn looga dareemay Magaalada Minneapolis, ee aadka ugu badan yihiin Soomaalida.
Sidoo Kale Aqri..I Dhaaf Uur Ayaan Leeyahay..Ka Dib 5 Xabad Ayuu Madaxa Kaga Dhuftay
Ninka Madowga ee la dilay, ayaa magaciisa lagu sheegay, George Floyd, kaasi oo la aaminsanyahay in uu ku jiray da’da afartameeyada.

Xasuusta Dhacdooyinka Kuwan La Mid ah
Kiiska dhimashada George Floyd , ayaa dib u faray xasuusta dhacdooyinka khaladaadka ula kaca ah ee booliska kula dhaqmaan dadka Madowga ah.
Waxaa dilaacay olale Caro ah, duqa deegaanka Saint Paul ee gobolka Minesoota ayaa yiri “Tani ma ahan Mareykankii aan rabnay in aan ku noolaano”.
“Khaladka ugu badan ee dadka Mareykanka ku nool ay galaan, waa marka ay yiraahdaan “waxaan joognaa dhulka xoriyadda” ayuu yiri qof ka mid ah dadkii ka falceliyey dhacadada “madowgii la dilay”.