Khilaaf Akhlaaqeed Oo Hareeyey Madaxda VS Warbaahinta Mareykanka.

-

Madaxda Sacuudiga ayaa ku harqaday dhiigga Jamal kashoggi, Trump ayaana Ku guuldarreystay in uu badbaadiyo Sacuudiga, Warbaahintana galbeedka ayaana bilaabay dhagaal ka dhan sacuudiga iyagoo gulufkooda ciwaanka uga dhigay “bani’aadinimo”, hadda waxaa taagan dood shaki gelineysa “Akhlaaqda Mareykanka”.

Xaqiiqonews.com-Wararka Dibaddda

Gulufka Warbaahinta galbeedka oo ay hogaamineyso Warbaahinta musaliftay ee Washington post ayaa u muuqda mid ku dhaw “Khuus”, Maxaa yeelay Trump si cad ayuu u sheegay in aysan u sahlaneyn Mareykanka in Sacuudiga uu ku ciqaabo Cunuqabteyn.

Newyork Times iyo Washington Post waxa ay sameeyeen wax walbo ay awoodeen si loola xisaabtamo waxa ay ugu yeereen Dadkii Lugta Ku lahaa Dilka Kashoggi , balse olalaha ayaa u muuqda “Ma dhaleysi”.

biishii la soo dhaafay, 5% dhamaan Wararka ay baahiyeen waxa ay kaga hadleen arin xariir la leh dilka kashoggi, waxaa jira su,aal muhiim ah “Maxey warbaahintani sidaas oo dhan xoogga ugu saarayaan dilka Kashoggi ? haddii jawaabtu ay tahay kaliya “Bani;aadinimo” , aaway bani’aadinimada maxey ugu hadli la’dahay Xasuuqa Siiriya, Ciraaq, Soomaaliya iyo Yemen?

Shidaalka Sacuudiga Iyo Dilka Kashoggi.

Akhristow..ha la yaabin “Muxuu Mareykanka go,aan uga qaadan la,yahay hadii La ogaaday Dambiilayaashii dilay kashoggi”  arintu waa mid salka ku heysa dane dhaqaale.

Dhagaha ayaan kugu sheegayaa si hoose keen dhagta…Waxaa jira faqri u dhaxeeya madaxda Mareykanka maamula iyo Warbaahinta, Sababtoo ah madaxda waxa ay ka tarjumaan Mareykanka dhabta ah “Real politic” iyo siyaasadda waaqica ah.

Waana tan Sirta “Warbaahintooda waxa ay boor ka qaris u yihiin  ficilada xun xun ee Madaxda sameeynayaa waxaana tusaale kugu filan kiiska Kashoggi,  tani(kal duwanaashaha ) waxa ay abuurtay dood akhlaaqeed oo ka dhax taagan madaxda iyo Warbaahinta.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...