XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Waxaa soo baxay khilaaf kale oo Rooble iyo Farmaajo ka dhaxeeya,ka dib markii Rooble uu meel faagaare uu Imaaraatka raali gelin ka siiyey dhacdadii 2018-ka oo aheyd markii garoonka Aadane Cadde lagu qabtay lacag dalka si sharci darro ah ku soo gashay oo Imaaraatka ay laahaayeen
DHAMMAADKIIS: Ma ahan markii koowaad, markii labaad iyo xitaa markii seddexaad ee khilaafka Rooble iyo Farmaajo laga arko warqado iyo amaro is diidan oo baraha bulshada la isku marsiiyo.
Waxa ay isku khilaafeen xil ka qaadistii Fahad ee la xariirtay kiiska Ikraan, waxa ay isku khilaafeen shaqo ka joojinta xubnihii guddiga doorashooyinka,intaas oo dhan ka dib labadan nin waxa ay isku heystaan Imaaraatka.
Laakiin khilaafka cusub waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore waa khilaaf la xariira arimo dibadda ah , khilaafka cusub ayaa ka marqaati kacaya sida madaxda DF-ka aysan u laheyn ajando dagsan oo la xariira siyaasadaha dalka lagu hagaayo.
Khilaafka cusub waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore waa khilaaf xiriir la leh arimo ku saabsan “lacag” iyadoo ay xusid mudan tahay in madaxda Soomaaliya lagu tilmaamo kuwa ugu masuq maasuq badan dunida.
Muhiimadda Waa Doorashada
Khilaafka cusub ee Roobe iyo Farmaajo ayaa dhici karta in uu sii fogeeyo xal u helida doorashooyinka, sida dhacday khilaafyadii hore.
Khubaradda waxa ay ku aaminsan yihiin in khilaaf walbo (xaq iyo baadil kii uu doonaba ha ahaadee) laga dheeraado inta ay qabsoomayaan doorashooyinka.
Waaa iska cadahay Shacabka Soomaaliyeed waxa uu sugayaa doorashooyin ee ma rabo in Imaaraatka lacag loo celiyo ama laga heysto toona,sidaa darteed wax walbo oo ku saabsan Imaaraatka (xiriir soo celin iyo xiriir u jarid) waa macna darro inta dalka uu ka helaayo xasilooni siyaasadeed.