KHIYAALI: Dadka Muqdisho Dagan Oo Dhan Hadii ay Ka Wada Tagaan Magaalada Maxaa dhici Kara?

La Wadaag Asxaabtaada

Ka soo qaad dadka degan Magaalada muqdisho oo dhan wey guureen oo way iskaga tageen maxaa dhici kara hadaba hadii ay sidaasi dhacdo?
Saacado ka dib markii aan baxno waxaa ugu horeeya ayaa ah magaalada oo dhan ay noqon doonto mugdi sababtoo ah ilaha iftiinka laga helo ayaa ah shirkadaha korontada iyagana ma shaqeeynayaan dad la,aan basle waxaa sii shaqeyn doono maalmo kooban aaladaha soolarada ku shaqeeya inkastoo iyaga naftooda ay dami doonaan hadii ayna helin cid daryeesha .
Labo maalin ama saddex maalin ka dib waxaa daboolmaya oo qarsoomaya laamiga makka-almukaramah carro darteed sababtoo ah magaalada ayaa ah mid dabeyl badan sidaa darteed hadii dadka oo dhan baxaan aysan helin cid daryeesha laamigga oo dhan wasaq ayaa duugi doonto sida wasaqda ay horay u baabi,isay laamiyada Soddonka iyo wadnaha.
Toban maalin ka dib waxaa magaalada gilgili doona qarraxyo badan maxa yeelay baabuurta qarraxyada wata hadii aysan helin cid xakunta iyaga ayaa iskooda u qarxi doona arintaasi oo qasaaraha maaliyadeed ee ka dhasha uu ka darnaan doona qarraxyada hadda dhacaya sababtoo ah hadii uu qarrax dhaco ma jiri doonto cid damineyso dabka ka dhasha waxaana magaalada kadhacaya dabeyl badan taasi oo sahli doonto in dabka si sahal ah ku faafo.
Shan iyo labaatan sano ka dib maqnaashiyaheena dhir cagaaran ayaa dabooli doonto goobo badan oo magaalada ah oo aan hadda laga helin wax dhir ah xaafadaha sida bakaaro iyo xamarweyne waxaa dabooli doono dhir sida ay horayba u aheyd inta aan la dagin ka hor.
Seddex boqol oo sano ka dib waxaa burburi doona dhamaan dhismayaasha hadda taagan maxaa yeelay maqnaashiyaheena dheer darteed gurayaha wey dumi doonaan madaama guryaha hadii aysan helin cid ka daryeesh cunitaanka xaywaanada yar u geystaan ay ugu danbeeyn soo dumi doonaan.
Waxaana Xeebaha Sida Liido , Geellaqe iyo Jaziira ka buuxsami doono xaywaanaadka noolayaasha ah maadaama aan ka maqanahay annagii xaywaanaadkaasi dhibi jirnay
Tobanaan kun oo sano ka dib waxaa ka hari doono raadadkeena ayaa ah taalooyinka iyo dhagaxaanta adag ee magaalada taala ee dhufeysada loogu tala galay maxaa yeelay dhagaxaanta ayaa ah kuwa adkeysi badan leh in mudoo shan milyan oo sano ah joogaan waxaase magaalada lagu arki doonaa shan milyan oo sano ka dib ayaa waxa ay tahay Caagagta ka sameysan Balaastikada iyo dhalooyinka
Intaasi oo dhan waxaad ku fahmeysaa In magaalada ay sii jiri doonto hadii aan maqanahay si kasto oo ay u rafaaddo laakin innaga gabi ahaanba ma awoodno nolol magaalada la,aanteeda .

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada