Khudba-sirada Wey banaan tahay Sida uu qabo Imaamkii Weynaa ee Abu—

-

Culimadii islaamka kuwii hore iyo kuwii danbaba wa ay isku qabsadeen Sax ahaanshaha guurka qarsoodiga ee dhaca wali la,aan (Qudbo sirada)
Waxaana jirta nasuus cad oo qur,aani ah oo arimahaasi ku soo arooray bal u fiirso aayaddan:

(وَمَن لَّمْ يَسْتَطِعْ مِنكُمْ طَوْلاً أَن يَنكِحَ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ فَمِنْ مَّا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُم مِّن فَتَيَاتِكُمُ الْمُؤْمِنَاتِ بِإِيمَانِكُمْ بَعْضُكُمْ مِّن بَعْضٍ فَانكِحُوهُنَّ بِإِذْنِ أَهْلِهِنَ)
Waxaa laga fahmayaa aayadani in guurka Idin la,aanta oo aysan idmin gabadha ehelkooda uu yahay mid baadil ah madaama ilaah leeyahay ku guursada idinka Ehelkooda (فَانكِحُوهُنَّ بِإِذْنِ أَهْلِهِنَ).

Hadaba Culimada islaamka ayaa laba u kala qaaday guurka waxaa qeyb ka mid ah culimada ay ku tageen in gabadha(bikrada ah) ay tahay tan u baahan in ay ehelka bixiyaan balse garoobta uma baahna wax idin ah.
Waxeyna daliil ahaan u soo qaataan xadiithkani:

بحديث عبد الله بن عباس رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: ” ليس للولي مع الثيب أمر
Xadiithkani waxaa ibnu cabaas ka soo warinayaa nabiga SCW in uu yiri” Garoobta wax arin ah kagama baahna Wali”.

Sidoo kale Umu salama oo ka mid aheyd xaasaskii nabiga waxa ay soo warnineysaa qisada guurkeeda iyadoo tiri” waxaa ii soo galay nabiga SCW oo doonaya in uu isoo doonto waxaan ku dhahay nabi allow sidee guurkeena u dhacaa iyada uusan joogin qof walikeyga ah nabiga ayaa yiri SCW”dhibmalahan ma jiro qof ehelkaada ka mid ah oo arintani dhib u argaya”.

Xadiithka kore waxaa laga fahmayaa In Umu salama Ay iyada oo wali la,aan ah uu guurkeeda dhacay sababtuna Umu salama waxa ay aheyd Garoob.

Hase ahaatee Culimada Islaamka intooda badan wax ay ku tageen in uusan banaaneyn guud ahaan guurka wali la,aanta ah waxaana ugu caansan culimadaasi seddex ka mid ah imaamyadii afarta oo kala ah Imaam maalik,Imam axmed iyo imam shaafici iyagoo soo daliishanaya xadiithkii Caa,isha ee ahaa:

حديث عائشة رضي الله عنها أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: “أيما امرأة نكحت بغير إذن وليها فنكاحها باطل”
Caaisha waxa ay nabiga ka warisay in uu yiri”Haweeney walbo oo guursata idin wali la,aan ah nikaaxeeda Waa baadil(wuu burburayaa)”
Culimadani waxa ay leeyihiin xadiithka gabar iyo garoob ma kala saarin waa uu camimay sidaa darteed ninkaax walbo oo dhaca idin wali la,aantiis waa waxba kama jiraan.

Dhankooda culimada ku dooda in uu banaanyahay guurka noocaaasi waxa ay kaga jawaabaan xadiithkan isla sheeko laga soo wariyey caa,isha RC oo ah” caa,isha ayaa gabar uu dhalay walalkeed oo lagu magacaabo xafsa bintu cabdiraxmaan waxa ay ku dartay Mudir Ibnu Zubeyr iyadoo uu ku maqanyahay aabaheed Cabdiraxaan dhulka Shaam sidaasina guurka uu ku dhacay” waxeyna culimada daliishanaya dhacdadan danbe ay leeyihiin xadiithkii caa,isha ee kore ma ahan mid sax ah oo waa tan caasho oo iyadaba sameysay arinkii saxna ma ahan in Caa,isha ay beeniso xadiith Nabi SCW.

Sidoo kale Culimada aaminsan madhabta xanafiyada oo baneeysa guurka wali la,aanta ah waxa ay soo daliishadaan xadiithkani
وَرَوَى ابْنُ عَبَّاسٍ «أَنَّ فَتَاةً جَاءَتْ إِلَى النَّبِيِّ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – فَقَالَتْ: يَا نَبِيَّ اللَّهِ، إِنَّ أَبِي زَوَّجَنِي مِنِ ابْنِ أَخٍ لَهُ؛ لِيَرْفَعَ خَسِيسَتَهُ، وَأَنَا لَهُ كَارِهَةٌ! فَقَالَ لَهَا: أَجِيزِي مَا صَنَعَ أَبُوكِ، فَقَالَتْ: لَا رَغْبَةَ لِي فِيمَا صَنَعَ أَبِي! قَالَ: فَاذْهَبِي، فَانْكِحِي مَنْ شِئْتِ! فَقَالَتْ: لَا رَغْبَةَ لِي عَمَّا صَنَعَ أَبِي يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَلَكِنِّي أَرَدْتُ أَنْ أُعْلِمَ النِّسَاءَ أَنْ لَيْسَ لِلْآبَاءِ مِنْ أُمُورِ بَنَاتِهِمْ شَيْءٌ».

Ibnu cabaas waxaa laga soo wariyey in gabar ay u timid rasuulka SCW markaasi ayey tiri”Rasuul allow aabahey waxa uu igu daray ina abtigey isagoo ilaashanaya Khasiisadiisa waana necbahay arinkaa nabiga SCW ayaa ku yiri”iska aqbal arinka uu aabahaa sameeyey markaasi ayey tiri”dan iyo xaajo kama lihi arinkaa uu aabahey sameeyey markaasi ayuu nabiga yiri”orod oo bax oo guurso qofkii aad doonto”.

Si kasta xadiithkani waxaa laga fahmayaa sidoo kale in gabadha ay xaq u leedahay in ay iyada is bixin karto.

Si kastaba marka la isku soo goobo nasuusta iyo axaadiithta waxaa ku soo baxaya in idinka muhiim yahay balse hadii laga fursan waayo garoobta ay iyadu isbixinkarto all ayaa wax walbo og

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...