Waa Kuwan Seddexda Qolo Ee kismaayo Ku Khasaatray

-

Caleemo saarkii qar iskatuurnimada ku dhisnaa ee ka dhacay Kismaayo, waxa uu ka tagay su’aal furan “Yaa Guuleystay, yaase Khasaaray?


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Kenya (Xisbiga Jubilee)- dadka ugu horeeya ee khasaaray waa kuwan,kooxdani waxa ay ku dhaqaale beeshay sidii loo meelmarin lahaa maamulka Xeeladda yar ee Jubbland, xisaabtana uguma jirin raadka ay reebi karto qar iskatuurnida ay ka dhax sameynayaan Soomaaliya, sidaa awgeed arintani waxa ay fursad siineysaa Xisbiga mucaaradka ee ODM xilli doorashad Kenya soo aadan, kuwaasi oo dhowr jeer Dowladda Kenya ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arinta Soomaaliya.

Kooxda Labaad ee Khasaaray waa Kooxda “Mucaaradka” oo ay ku jireen madaxweynayaal hore oo hadda hogaamiya xisbiyo siyaasadeed, kooxdani ayaa lugaha la galay dagaal aan kooda aheyn,” dhacdadii Kismaayo ayaa hogaamiyaashan ku noqotay Imtixaan Siyaasadeed kaasi oo ay dhici karto in uu saameyn ku yeesho mustaqbalkooda doorasho ay ku doonayaan in ay dib Kursiga ugu soo laabtaan.

Markase ay timaado in aan ka hadalno qolada Seddexaad ee meesha ku khasaarsan, waxa ay ila tahay in aad ku fikireyso kooxda waqtigooda dhamaaday ee Jubbland, waa run, kooxda seddexaad ee khasaartay waa Jubbland, maamulkani ayaa noqday maamulka ugu sumcadda xun maamulada Soomaaaliya, waxa ay iibinayaan dhulka, badda iyo hantida Soomaaliya hadii iyaga ay dan ka soo gasho.

Kooxdani ayaa laad ku dhufatay fursad walbo ay ku heli karaayeen in ay heelaan aqoonsiga DF-ka iyo tan Shacabka Jubbland, waxa ayna hadda xaaladdu la mareysaa “Cirna ma roogno dhulna ma roogno”.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...