Bulshada Kismaayo ku nool ayaa ku soo waramaya cabashooyin ka taagan sicir barar ku yimid maciishadda taasi oo ay hadda ugu soo darsantay sara u kac ku yimid xitaa biyaha la cabo.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Sicir bararkan ayaa saameeyey deegaanada Jubbaland haba ugu sii badnaato magaalada Kismaayo ee xarunta ah maamulka Axmed Madoobe.
Gudaha Kismaayo waxaa 30% sara u kacay badeecaha cuntada si maalinlaha u isticmaalaan dadka, iyada oo 50kg ee sokorta ah lagu kala iibsanaayo 32 doolarka Mareykanka halka markii hore uu aha 22 doolar-sida ay baahisay idaacadda Voa Soomaali
Dhinaca kale dadka ayaa ka cabanaya biya la’aan baahsan oo magaalada ka jirta taasi oo ay ugu wacan tahay nidaamka biya gelinta magaalada oo wax dib u habeyn ah aan lagu sameynin 30-kii sano ee ugu dambeysay.
Kismaayo Waxaa Dakkad u ah Mombaasa!
Arinta xanuunkeeda gaarka leh waxa ay tahay in gudaha kismaayo badeecaha yaalla ay yihiin badeeco kenyan ama kuwa Kenya laga soo dejiyey- sida uu ii sheegay mid ah ganacsatada ku nool suuqa Fii Af-madoow.
“xitaa meelaha qaar Kismaayo waxaa lagu iibiyaa Ugaali” ayuu yiri ganacsadahan oo sheegay Kismaayo in la keniyaaniyeey.