Safaaradda Yahuuddu ku leedahay Qaahira Masar, ayaa baahisay laba sawir oo laga soo qaaday wasiirka tamarta ee yahuudda Yuval Steinitz oo booqosho ku tagay masjid taariikhi ah oo ku yaalla Masar.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda
Safaaradda ayaa ku baahisay boggeeda ay ku leedahay Facebook-ka laba sawir oo ah wasiirka tamarta Isra,iil Yuval Steinitz oo gudaha ka taagan masjidka taariikhiga ah ee “Maxaned Cali”.
Bishii Oktoobar ee sanadkii tagay Wasiiradda Ciyaaraha ee Yahuudda Mary Regev ayaa booqasho ku gashay masjidka “Zaayid” ee ku yaalla Imaaraatka, arimahan oo ah isku soo dhawaansho ay sameynayaan dowladaha carabta iyo Dowladda Cibriga.